726 Views

Dowladda Soomaaliya oo guddi u xil saartay kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda Nabad sugidda Qaranka

Dowladda Soomaaliya oo  guddi u xil saartay kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda Nabad sugidda Qaranka
____________________________________________________________________________

Talaado: July 27 2021

Dowladda Soomaaliya ayaa magacaawday guddi loo xil saaray inay soo baaraan kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA, taasoo la waayay muddo hal bil ah ka hor.

Guddigan ayaa ka kooban saddex sarkaal oo ka kala socota xafiiska xeer ilaalinta, booliska iyo nabad sugidda.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in taliska NISA ‘ay ka la shaqeeyaan saraakiisha magacaaban wadda kasta oo lagu gaari karo danta Cadaaladda’

“Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka Maqanad Ikraan Tahliil” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa sidoo soo noqotay agaasimaha xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay Cabdiraxmaan Yariisoow oo lagu dilay qarax.

Xog rasmi ah lagama hayo halka ay ku maqan tahay gabadhan iyo waxa ay ku sugan tahay nolol iyo geeri toona, waxaana odayaasha beesheeda ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay meel ku sheegaan islamarkaana caddaalad la siiyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post