1863 Views

Guddiga difaaca Baarlamaanka oo sharaxay sharciga xaq-siinta ciidanka.

Guddiga difaaca Baarlamaanka oo sharaxay sharciga xaq-siinta ciidanka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20, Abriil 2018 — Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ah Xubnaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo la hadlay Shabakada Qaranimo Online  ayaa sheegay in Sharciga Xaq-siinta Ciidanka ay hor geynayaan Baarlamaanka si ay u meel mariyaan.

Muhiimadda sharcigaan waxa uu ku tilmaamay in ay tahay in uu Xuquuq siinayo Ciidamada Dowladda ee da’da noqda ama Dhaawacyada sababa heer aanan shaqeyn karin uu siinayo Xuquuq.

Inta lagu guda jiro Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka ayuu sheegay in ay hor geynayaan Baarlamaanka si ay u ansixiyeen, sidaasna uu noqdo Sharci.

Xildhibaan Sadiiq ayaa Sheegay in Sharcigaan uu daba joogo Sharcigii ugu dambeeyey ee Wasaaraddii Gaashaandhigga Dowladii Dhexe ee dalka ee kala saarayay qeybta Wasaaradda Militariga iyo

Shacabka, ujeedka loo keenayna ay tahay in ay dhiira-gelin u noqoto Ciidamada Dowladda si ay Xuquuqdoodu u ahaato Mid joogto ah.

Saraakiil, Qubaro Ciidan, Ciidamada Dowladda iyo Cid waliba oo arrintaan quseyso ayuu sheegay in ay hor dhigayaan isla markaana ay la tashi kala sameynayaan sidii looga saari lahaa hadii uu ku jiro qaladaad sida uu hadalka u dhigay.

Guddigooda waxa uu tibaaxay in ay Gudbisay Xukuumadda Soomaaliya, qiimeyn kadibna ay qorsheynayaan in ay hor geeyaan Hay’adda Sharci Dajinta si ay iyanna u meel mariyaan.

Sharcigaan ayaa hadii Baarlamaanka uu ansixiyo waxa uu xuquuq siinayaa Ciidamada Dowladda ee Howl-gabka noqda iyo Kuwa Dhaawacyada halista ah soo gaara ee sababa in ay Lixaadkooda ku waayaan ama ay dib ugu laaban waayaan Ciidamada.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment