879 Views

Askarta Itoobiya oo weerar ku qaaday cisbitaal ku yaalla magaalada Aksum ee gobalka Tigray

Askarta Itoobiya oo  weerar ku qaaday cisbitaal ku yaalla magaalada Aksum ee gobalka Tigray
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Askarta Itoobiya ayaa weerar ku qaaday cisbitaal ku yaalla waqooyiga magaalada taariikhiga ah ee Aksum ee gobalka Tigray, iyagoo baadi goobaya xubno katirsan kooxda TPLF .

Ciidamada ayaa qoryo ku qabtay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaadka waxayna su’aalo weydiiyeen bukaannada dhaawaca ah,waxaa sidaasi wakaaladda AFP u sheegay shaqaalaha caafimaadka oo magacyadooda qariyay.

Sidoo kale askarta ayaa dadka dhawaacayada qaba ka qaadayay faashadaha ku xiranaa iyo faloobooyinka iyagoo dhaqaatiirta iyo kalkaaliyaasha ku cabsi galinayay qoryaha.

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, oo taageerta cisbitaalka ayaa xaqiijisay dhacdadaan, war ay soo saartayna waxay ku sheegtay in askartu ay cabsi galiyeen shaqaalaha isla markaana ay u hanjabeen .

“Waxaan aad uga walaacsan nahay xadgudubyada joogtada ah ee kooxaha hubeysan ay ku hayaan howlaha caafimaad,” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay MSF.

Raiisul wasaare Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in weerar lagu qaado gobolka Tigree sanadkii hore kadib markii dagaalyahannada kooxda TPLF ay weerareen fariisimo militari oo ay ku sugnaayeen ciidamada federaalka Itoobiya.

Isku dhacyadaas oo muddo socda waxaa ku dhintay kumanaan qof tiro intaaka badana way ku barakaceen

Xadgudubyada horey loogu eedayay ciidamada Itoobiya

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada federaalka ee Itoobiya ay sida muuqata duqeyn aan kala sooc lahayn u geysteen magaalooyin ka tirsan gobolka Tigray.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in madaafiicdii ay ciidamada Itoobiya adeegsadeen horraantii dagaalka ay ku dhaceen guryo, cisbitaallo, iskuullo iyo suuqyada magaalooyinka Maqale, Humera iyo Shire, ayna ku dhinteen ugu yaraan 83 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

“Weerarrada noocan ah waxa ay burburiyeen noolasha shacabka Tigray, waxaana ku barakacay kumanaan qof, taasoo muujinaysa muhiimadda ay leedahay in la soo afjar weerarrada sharci darrada ah, oo lagula xisaabtamo dadkii mas’uulka ka ahaa,” ayay tiri Laetitia Bader oo ah agaasimaha Human Rights Watch u qaabilsan Geeska Afrika.

Tobanaan kun oo qof ayaa la sheegay inay ka barakaceen gobolka Tigray tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya milateriga Itoobiya iyo xooggaga TPLF horraantii November 2020.

Xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy ayaa ku doodday in ciidamadeeda aanay wax dhibaato ah u geysan dadka rayidka ah ee gobolkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post