1119 Views

Cabsi laga qabo in laga qaxo xaafadaha qaar ee magaalada Boosaaso iyo ciidanka PSF oo la soo dhoobay

Cabsi laga qabo in laga qaxo xaafadaha qaar ee magaalada Boosaaso iyo ciidanka PSF oo la soo dhoobay
____________________________________________________________________________


Axad: November 28, 2021

Waxaa wali taagan oo aan xal laga gaarin khilaafka u dhexaya maamulka Puntland iyo Hoggaanka ciidanka PSF iyadoo magaalada Bosaaso laga dareemayo dhaqdhaqaayo ciidan.

Wararka ayaa sidookale sheegaya in cabsi laga qabo in xaafadaha qaar laga qaxo, arrintaasi oo ay dowladdu ka digtay.

Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii dhawaan uu madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF balse hoggaanka hay’addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay’addaasi ku tilmaamay sharcidarro.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post