1068 Views

Diblumaasi Turki ah oo ku baaqay in laga hortago kali taliye & dagaalo ka dhaca Soomaaliya

Diblumaasi Turki ah oo ku baaqay in laga hortago kali taliye & dagaalo ka dhaca Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 22 2021–Diblumaasigaan oo lagu Magacaabo Cemalettin Kani Torun ayaa soo noqday safiirka Turkiga ee Soomaaliya sanadihii 2011 ilaa 2014, waxaana uu sheegay in digniinta Madaxweynaha Puntland ay Beesha Caalamka u noqoto baaq baraarug ah.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa twitte-ka ayaa waxaa uu sheegay in xilligan Afrika u u baahneyn kaliye taliye, taas oo ka iman karta in uu dhaco dagaal sokeeye oo sababi kara dhimasho, dhaawac iyo barakac.

“Afrika uma baahna kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato, Beesha Caalamka waa inay dhaqso wax uga qabataa intay goori goor tahay ayuu yiri” Amb, Cemalettin Kani Torun.

Warkaan kasoo baxay Safiirkii hore ee Turkiga u fadhin jiray Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay mid cakiran, isla markaana siyaasiyiinta mucaaradka ay Madaxweynaah muddo xileedkiisa dhamaaday ku tilmaameen in uu yahay kaligii taliye.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post