870 Views

MD Farmaajo & Wakiilada Beesha Caalamka oo Teendhada Afisiyooni shir uga furmay

MD Farmaajo & Wakiilada Beesha Caalamka oo Teendhada Afisiyooni shir uga furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 17 2021–Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray Xerada Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo halkaasi ku tegay si deg deg ah ayaa Wararka la helay waxaa ay sheegayaan in uu la kulmayo Wakiilada Beesha Caalamka ee fariisinka ku leh Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadli doonaan xaalada dalka iyo dooda ka taagan muddo kororsiga ay Golaha Shacabka sameeyeen, kaas oo Beesha Caalamka ay kasoo horjeesatay.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka si deg deg ah ku maray qeybo kamid ah wadada Maka Almukarama oo aan looga baran xilliyada uu tegayo Teendhada Afisiyooni ama garoonka Aadan-Cadde in uu maro.

Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay shir u dhaxeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada shirarkaas oo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Wararka kusoo kordha kulanka kala socda www.radiorisaala.com

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post