1032 Views

Soomaaliland oo gacanta ku dhigtay Rag weeraray Xero Ciidan

Soomaaliland oo gacanta ku dhigtay Rag weeraray Xero Ciidan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 05,, 2019 —Rag hubeysan ayaa weerar waxaa ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Soomaaliland ku leeyihiin Buurta Sayidka ee duleedka laas-caanood ee Gobolka Sool,waxaana Soomaaliland ay sheegtay inay gacanta ku dhigtay qaar ka mid ah dadkii weerarkasi ka dambeeyay.

 

Ragga weerarka fuliyay ayaa ka tirsan Jabhad diidan joogitaanka Ciidamada Soomaaliland ee Gobolka Sool,kuwaas oo uu hoggaamiyo Sarkaal lagu Magacaabo Feysal Falalug, iyaga oo horay weeraro kala duwan uga fuliyay Gobolkaas.

 

 

Taliyah qeybta Gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Ducaale  ayaa sheegay inay weerarka soo qaadeen Ciidamo aysan garaneyn,hayeeshee ay gacanta ku dhigeen rag lagu tuhmayo.

 

Waxaa uu sheegay kadib weerarka ay sameeyeen howlgallo kala duwan,isla markaana ay gacanta ku dhigeen rag la tuhmayo inay weerarkaasi geysteen iyo Saddex Qoray oo nooca AK47 ah.

 

S kastaba weerarkaas lagu qaaday saldhiga ay Ciidamada Soomaaliland ku leeyihiin duleedka Magalada laas-caanood ayaa waxaa ay sheegtay Jabhadda uu hoggaamiyo Sarkaal lagu Magacaabo feysal falaalug, isaga oo sheegay inay weerar kaas guul ka gaareen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment