1839 Views

Puntland iyo Jubbaland oo ka jawaabaya qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya

Puntland iyo Jubbaland oo ka jawaabaya qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20da Maarso, 2021Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Puntland ay jawaab rasmi ah ka bixin doonto qoraal xalay saqdhexe kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan doorashooyinka.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay bixin doonto jawaabta ku haboon, waxaana sida wararka ay sheegayaan ay u badan tahay in ay diidi doonto.

Dhanka kale dowlad goboleedka Jubbaland ayaa laga sugaya  in ay go’aan kasoo saaraan qoraalka kasoo baxay Villa Soomaliya.

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhammaday ee Farmaajo ayaa shir iskugu yeeray Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah DF iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post