738 Views

Khasaaro ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday Guriceel

Khasaaro ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday Guriceel
____________________________________________________________________________

Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa geeriyooday Haweeneey Shacab ahna waa ay ku dhaawacantay is rasaaseyn Maanta degmada Guriceel ku dhexmartay laba Ciidan.
Goobta is rasaaseynta ka dhacday ayaa waxaa ka socotay qeybinta kaarar la doonayay in dad Shacab ah raashin lagu siiyo, waxaana ay ka dambeey kadib markii ay isku dha een laba Ciidan oo ilaalo ka haayay.

Goobjooge ku sugan Goobta wax ka dhaceen ee aaga Shimbira-oonshe ayaa sheegay in Ciidamada dagaalamay ay kala dhex galeen Saraakiisha Ciidamada ka howlgalla Guricrel, isla markaana Haweeneyda dhaawacantay la geeyay Isbitaalka degmada.
laamaha Amniga degmada Guriceel ayaan weli ka hadlin is rasaaseynta khasaaraha geysatay ee Maanta ka dhacday degmadaas, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladda ay haatan tahay mid degan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post