867 Views

Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga oo gaarey Cadale iyo kulamo ka socda

Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga oo gaarey Cadale iyo kulamo ka socda
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 17, 2019 | QOL |   –Ciidamado katirsan kuwa xooga dalka Soomaliya aayaa maalmihii la soo dahafay waxaa ay howgallo ammaanka lagu sugayo kawadaan deeganka Xaaji Cali oo katirsan degmada cadale ee gobolka shabeelaha dhexe,waxaana halkaasi gaarey Saraakiil sar sare oo katirsan Ciidanka xoogga dalka.

 

Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliye ku xigeenka Ciidanka xooga dalka Sareeye Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa waxaa ay gaareen deegaanka Xaaaji Cali,iyaga oo kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka deeganka iyo ururka macwiisleyda oo la dagaalama Al-Shabaab.

 

 

 

Kulankooda ayaa waxaa ay uga hadleen sidii loo laba jibaari lahaa howlgallada laga fulinayo tuulooyinka hoostaga degmada Cadale,kuwaas oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment