696 Views

Afghanistan iyo Taliban oo wadahadallada dib u bilaabaya

Afghanistan iyo Taliban oo wadahadallada dib u bilaabaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 04, 2021–Wakiilo ka kala socda dowladda Afghanistan iyo kooxda Taalibaan ayaa dib u billaabaya wadahadalladoodi ku saabsasaana awood qaybsiga.

Kulankaan ayaa lagu wadaa inuu beri oo talaada ah ka dhaco dalka Qatar oo hore u mati geliyay dhowr shir oo u dhaxeeyay labada dhinac.

Wadahadaladaan ayaa bilaawday bishii Sebtember ka dib markii kooxda Taalibaan iyo Maraykan ay ku heshiiyeen in la saaro ciidmada Marayakanka ee jooga dalka Afghaanistaan.

Afhayeen u hadlay dowladda Afghanistaan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’antahay sidii looga mira dhalin lahaa wadahadaladaan muddada soo jiitamaayay.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in wax kasta ay ka hormarin doonaan danta shacabka Afghaanistaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post