1002 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo  shir guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

May 6-2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ay goob-joog ka ahaayeen Kuxigeenada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka.

Shirkaan ayaa looga hadlay dar-dar gelinta Howlaha Nadaafada iyo Bilicda Magaalada Muqdisho maadaama la guda galay xilli roobaadyo isla markaana maalmo ay naga xigaan Maalinta Ciida Soonfur. Sidoo kale shirka ayaa loogu hadlay sare u qaadida dakhliga Dowlada Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa faray Mas’uuliyiinta kale ee degmooyinka Gobolka Banaadir inay dardar geliyaan howlaha Bilicda Magaalada Muqdisho maadaama la guda galay xilli roobaadyo.

Sidoo kale Shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir oo todbaadkiiba mar la qabto ayaa waxaa diirada lagu saaraa howlaha kala duwan ee horyaala Maamulka Gobolka Banaadir, iyada oo warbiixno loga dhageysto Guddoomiyeyaasha Degmooyinka..

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post