993 Views

Digniin laga soo saaray Amniga degmooyinka Gobolka Gedo

Digniin laga soo saaray Amniga degmooyinka Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 16 2019 —Kadib kulan ay Magalada Doolow Soomaaliya  ee Gobolka Gedo ku yeesheen Saraakiisha Ciidamada Nabad-sugida Jubbaland ee Gobolkaasi Gedo ayaa waxaa ay kaga hadleen amniga degmooyinka,Balad-xaawo, Luuq iyo doolow Soomaaliya.

 

Kulanka inta uu socday ayaa waxaa aad looga hadlay sugida dhinaca amniga iyo in laga hortago weerarada iyo dilalka mararka qaar Al-Shabaab ay ka fuliyaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

 

Taliyaha Ciidamada Nabadsigida Jubbaland ee Gobolka Gedo Cali Xasan oo kulanka kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in leysla gartay in laga hortago,isla markaana gacan bir ah lagu qabto cidkasta oo ka Shaqeyneysa falal lidi ku ah dhinaca Amniga.

 

Shacabka ku nool deegaannada Gobolka Gedo ayuu ugu  baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga,isla markaana ay u soo gudbiyaan xogaha ku aadan dhinaca Amniga iyo wixii ay ka shakiyaan.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment