732 Views

Janaraal Tareedisho “waan amaanayaa dhalinyarada is xilqaamay ee la dagaalay Al-shabaab”

Janaraal Tareedisho “waan amaanayaa dhalinyarada is xilqaamay ee la dagaalay Al-shabaab”
____________________________________________________________________________


Axad: June 5, 2022

Taliyihii hore ee qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka Janaraal axmad Tareedisho ayaa ka hadlay weerarkii ay dhawaan dadka degaanka ay ku qaadeen Dagaalamayasha Al-Shabaab oo sugnaa degaan hoostaga magaalada Beledweeyne ee xarunta Gobolka hiiraan.

Weerarkaas oo ay ka dhasheen khasaaro kala duwan ayaa yimid kadib markii Alshabaab 28 bishii lasoo dhaafay ku dileen magaalada Beledweeyne Nabadoon lagu maga caabi jiray Cali Dheere.

Hadalka taliyaha oo u badnaa bogaadin uu bogaadinayo dhalinyaradii weerarka ku qaaday kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in macawuusleeyda ay yihiin kuwa yaqaano qaabka ay u dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in ay fuliyeej howlgallo ay qeeyb ka ahaayeen macawuusleeyda intii uu ahaa taliyaha qeeyb 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo lagu guuleystay intoodii badneeyd sida uu hadalka u dhigay.

“waan amaanayaa dhalinyarada is xilqaamay ee la dagaalay Al-shabaab, waxa ay difaacayeen maalkooda iyo hantidooda, waxa ay u baahanyihiin garab istaag, sida ay ugu aargudeen nabadkii qiimaha badnaa marlabaad ayaan bogaadinayaa Dhalinyarada la dagaalay Al-shabaab,”ayuu yiri Taliyihii hore ee qeybta 27-aad.

Ugu danbeyntii taliyaha ayaa kula dardaarmay in ay sii wadaan howlgalka ay kula dagaalamaan Al-Shabaab oo ay iska dulqaadaan Cadawga sida uu hadalka u dhigay Taliyihii hore ee qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post