1404 Views

Madaxweyne Saciid Deni Oo Fariin Adeg U Diray Maamulka Somaliland

Madaxweyne Saciid Deni Oo Fariin Adeg U Diray Maamulka Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 12, 2019 – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta digniin adeg u diray maamulka Somaliland,kadib markii todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamo farabadan ay geysay deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

 

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay dhaq dhaqaayo Ciidan kawado deegaano ka tirsan Puntland,isla markaana aan loo dul-qaadan karin arrimahaas.

 

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Madaxweynaha Puntland in markale Somaliland ay duulaan ku soo qaaday Puntland,iyadoo la ixtiraamayo daris wanaaga ka dhexeeya labada dhinca,hayeeshee waxa uu uga diray maamulkaasi in uu joojiyo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan.

Ugu dambeyntii Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku hanjabay in Puntland ay jawaab cad ka bixin doonto arrimaha Somaliland ay ka wado deegaano ka tirsan Puntland.

 

Inta uu xilka haayay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa waxaa deeegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool dhowr jeer oo horey dagaalo xoogan ay ku dhexmareen Ciidamada maamulada Puntland iyo Soomaaliland,kuwaasi oo geystay Khasaarooyin kala duwan.

 

 

 

.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment