1335 Views

Turkiga oo shegay in markii ugu horreysay uu ku howlan yahay in uu soo saaro tallaalka cudurka Covid-19.

Turkiga  oo shegay  in markii ugu horreysay uu ku howlan yahay in uu soo saaro tallaalka  cudurka Covid-19.
____________________________________________________________________________

April 9-4-2021

Turkiga  ayaa shaaciyay in markii ugu horreysay uu ku howlan yahay in uu soo saaro tallaal looga hortaggayo cudurka Karoona.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu sameynayo tallaalka gaar ah oo looga hortaggayo cudurka Covid-19.

Wuxuu sheegay in tallaalka marka uu diyaar noqdo la siin doono dhammaan banii’aadanka isla markaana aanan cidna laga tegi doonin marka lasoo saaro tallaalka uu sameynayo Turkiga.

“Waxaan tallaalkeenna siin doonaa dhammaan banii’aadanka iyadoo la raacayo mabda’a ah in aanan cid laga tegi doono marka xarigga laga jaro tallaalka” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Wasiirka caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in tallaalka ay soo saari doonaan sanadkan.

“Waxaan rumeysanahay in tallaalka ugu horreeyay ee aan soo saari doono uu diyaar noqon doono bishan Augsuta ama September” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in muddo gaaban gudahood ay ku soo saari doonaan tallaalka gaarka ah ee Covid-19.

 Waxaa si xowli ah ku socdaa howlaha tallaalka gaarka ah lagu soo saarayo, waxaan rumeysanahay in muddo gudahood aan kusoo saari doono tallaalkeena”

Dhanka kale, wasiirka warshadaha iyo tiknooloojiyadda Turkiga Mustafa Varank ayaa sheegay in haddii lagu guuleysto dhammaan heerarka kala duwan ee uu Turkiga ku soo saarayo tallaalka ay ka dhigan tahay in dabayaaqada sanadkan ay diyaar noqon doonaan ilaa 50 malyan oo xabbo oo tallaalka ah.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post