543 Views

Madaxweynaha Galmudug Oo Furay Kalfadhigga 5aad Ee Baarlamaanka Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Oo Furay Kalfadhigga 5aad Ee Baarlamaanka Galmudug
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 1, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha Galmudug ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeyso saameynta abaaraha, guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo  mashaariicda horumarineed.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen afartii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan shanaad ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Galmudug ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Dowladda Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post