1842 Views

Guddoomiye Yarisow oo Daah Furay Barnaanijka Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Caasimadda

Guddoomiye Yarisow oo Daah Furay Barnaanijka Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Caasimadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 03 Maajo 2018 — Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta daah furay Barnaanijka Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Benaadir, ayaa sheegay ujeedka ugu weyn ee arrintan laga leeyahay in ay tahay shacabka talada in dib loogu celiyo.

Barnaamijkan ayaa waxaa dhinac socda qorshaha Isku xirka Maamulada Degmooyinka, Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka dalka, arrimaha lagu falan qeeyey kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa dowrarka iyo kaalinta Maamullada degmooyinka, hey’adaha amaanka iyo garsoorka Degmooyinka Gobolka Banaadir, Hoggaaminta suuban, Xalinta Khilaafaadka, sareynta sharciga iyo Dawladda wanaagga.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay muhiimada ay u leedahay bulshada iyo Dawladnimada Soomaaliya in la hello maamul hoos laga soo dhisey, si bulshadu ay iyagu go’aan uga gaarto cidda matalaysa.

“Si magaalada Muqdisho looga hirgeliyo dimuqoraadiyad hana-qaada looguna diyaar garoobo doorashooyinka 2020 dalka oo dhan ka dhici doona muwaadinkuna u helo fursad ah inuu wax doorto lana doorto, waxaan bilownay geeddigan oo leh habraac dhameystiran oo ku jirto wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo Garsoorka dalka”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Caasimadda ayaa tilmaamay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay shacabka ku nool Caasimadda in loo dhaweeyey maamulka, isla markaana arrintaas ay ka dhalatay kalsooni iyo wadashaqeyn buuxda. Waxuna xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in shacabku ay yeeshaan talada lagu hagayo deegaankooda.

Kulan howlleedkan ayaa socon doona 3da ilaa 9 ka bisha, waxaana degmo walba uga soo qeyb galay 7 xubnood oo kala ah, Gudoomiyaasha degmooyinka, Kuxigeenada 1aad ee amniga iyo siyaasadda, Kuxigeenada 2aad ee Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Degmada iyo taliyeyaasha qeybaha Ciidamadda.

golayaasha-degaanka-1 golayaasha-degaanka-6 golayaasha-degaanka-3 golayaasha-degaanka-8 golayaasha-degaanka-5 golayaasha-degaanka-2 golayaasha-degaanka-4 golayaasha-degaanka-7

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment