723 Views

Siyaasiyiin loo haysto lacag ay ku lunsadeen aaskii Mandela

Siyaasiyiin loo haysto lacag ay ku lunsadeen aaskii Mandela
____________________________________________________________________________

Sabti: 13/2/2021

15 qof oo ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta isdba marin lacageed xilligii la aasayey madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela.

Xubnahaasi waxaa ka mid ah siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC oo ka soo jeeda Gobolka Eastern Cape. Balse shaqsiyaadkan xabsiga la dhigay kiiska loo haysto kama aysan hadal.

Dacwad oogayaasha waxay xubnahaasi ku soo eedeeyeen iney isdaba mariyeen ku dhawaad $700,000 oo doolar.

Mandela ayaa noqday madaxweynihi ugu horreeyey oo madow ah kaddib marki uu dhammaaday midab takoorki ka jiray dalkaasi sanadki 1994-kii

Hadalhaynta eedda raggan loo haysto ayaa soo billaabatay 2014-kii xilli ay bilooyin un ka soo wareegtay aaski madaxweyne Mandela ee ka dhacay magaalada Qunu, ee Eastern Cape 13-kii December 2013-kii.

Xubnahan dacwadda musuqa wajahaya waxaa ka mid ah madaxa wasaaradda caafimaadka gobolka Eastern Cape, Sindiswa iyo dad kale oo isugu jiro xildhibaanno iyo ganacsato caan ah.

Dacwad oogayaasha kiiskan gacanta ku haya waxay ku doodayaan iney shaqsiyaadkan sameeyeen sheegashooyin been abuur ah oo ay ku sheegeen lacagahaasi in loo isticmaalay gaadiidka baroordiiqa loo adeegsaday iyo goobihi baroodiiqa ay ka dhacayeen ee ku tiillay bariga London.

Xubnahan oo xabsiga dammaanad looga sii daayey waxay maxkamadda ka soo hormuuqan doonaan 5-ta bisha Maarso.

“Kiiskan ayaa markale soo noqday iyada oo 2019-kii la laalay si loo sii wado baaritaanno dheeri ah oo helo caddeymo kiiskaasi lagu xoojiyo dacwaddana suurageliyo” ayey tiri shabakadda wararka ee EWN oo soo xigatay Sipho Ngwema oo ah afahayeenka qaranka ee hay’adda dacwadoogidda qaran.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post