3591 Views

Xildhibaan Jeesoow oo ku dooday in Cusbada & Galayda dalka dibadiisa laga keeno ku fiican yihiin !

Xildhibaan Jeesoow oo ku dooday in Cusbada & Galayda dalka dibadiisa laga keeno ku fiican yihiin !
____________________________________________________________________________

TWaa Xildhibaan Qaran Ninka ku talinaya in wax soo saarka gudaha aan la dhiiri gelin, wadanka Soomaaliya oo ah Wadanka ugu Xeebta dheer Africa haba yaraatee aan u baahnayn in Cusbo dibedda looga keeno ku talinaya in aan soo dhoofsano badeeco wadanka si fudud looga heli karo dad badan oo dan yar ahina shaqo ka heli karaan hadii la horumariyo hay’ad kontorooshana loo sameeyo, halka uu u daneenayo ganacsatada dhergan ee isaga laaluushka siisa !

Aduunyadu waxay ku tartantaa inta suurtagalka ah ee wadanka laga soo Saari karo in la soo Saaro Lagana maarmo waxyaabaha dibedda laga soo dhoofsado, taasoo kobcisa Dhaqaalaha Wadanka(GDP), Dadkuna shaqo ka helaan, waxay kaloo dhintaa sicir bararka (Inflation).

Sicir bararka waxaa keena markii wax soosaarka wadanku yaraado, Badeecadda dibedda loo dhoofiyana ( Export) yaraato tan la soo dhoofsanaayana (Import) badato waxaa sicirka Maamulaya ama dejinaya qolada wax keensata maadaama ay hayaan badeeco ay lacag adag ku soo iibsadeen, tartan gudahana uusan jirin waxay Monopoly ku haysanayaan suuqa, waana halka uu ka dhasho sicir bararka.

Taajirku wuu sii Taajiraa faqiirkuna wuu sii faqiiraa Mar hadii GDP (Gross Domestic Product) uusan jirin !

 

Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment