1041 Views

Qaybo ka mid ah degaammada Falastiiniyiinta oo doorasho ka socoto

Qaybo ka mid ah degaammada Falastiiniyiinta oo doorasho ka socoto
____________________________________________________________________________

.

Sabti: December 11, 2021

Codbixinta ayaa ka socota tuulooyinka Falastiiniyiinta ee ku yaalla Daanta Galbeed, taas oo ka dhigan doorashadii ugu horreysay ee deegaanka muddo afar sano ah.

In ka badan shan iyo toban boqol oo kuraas ayaa dadka deegaankaasi ku tartamayaan iyadoo tiro dumar ah ay ka mid yihiin musharrixiinta u taagan.

Codbixinta magaalooyinka waaweyn ma dhici doonto illaa bisha Maarso ee soo socota. Xisbiga ugu weyn mucaaradka Xamaas ayaa qaadacay doorashadan mana dhici doonto wax cod ah oo ka dhici doona marinka Qaza oo ay maamusho kooxda.

Waxa ay cadhaysan yihiin in madaxweyne Maxamuud Cabaas uu baajiyay doorashooyinkii baarlamaanka iyo madaxtooyada horaantii sanadkan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post