582 Views

Wabiga Shabeelle oo fatahaad horleh sameeyay

Wabiga Shabeelle oo fatahaad horleh sameeyay
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 16, 2021 —Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu markale fatahaad horleh ka sameeyey degaano iyo tuulooyin hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Goobaha uu wabiga fatahaada ka sameeyay ayaa waxaa kamid ah tuulooyin u dhaxeeya degaannada Bayaxaaw iyo Halgan, halkaas oo dadkii badi deganaa ay isaga barakaceen.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka Maamulka Hr-Shabeelle Xildhibaan Maxamded Cumar Ceeymooy  ayaa sheegay in fatahaada Wabiga ay keentay buqda halgan oo furantay, tasina ay keentay dhibato horleh.

Waxaa uu ugu baaqay dadka degan Wabiga Jiinkiisa inay ka feejignaadaan fatahaada Wabiga, isaga oo hadalkiisa uu intaasi ku daray in maamulka Hir-Shabeelle uu ku dadaali doono in uu ka hortago fatahaada.

Wabiga Shabeelle ee mara Gobolada labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa uu sanad walba sameeyaa fatahaado horleh, waxaana uu baabi’iyaa dalagyo dhowr ah sido kalena ay ka barakacaan Boqolaal qoys.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post