258 Views

Madaxweynaha Jarmalka: “Dagaalka Ukraine wuxuu muujinayaa in Yurub ay sannado adagi ku soo fool leeyihiin”

Madaxweynaha Jarmalka: “Dagaalka Ukraine wuxuu muujinayaa in Yurub ay sannado adagi ku soo fool leeyihiin”
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 29, 2022
Madaxweynaha dalka Jarmalka Frank-Walter Steinmeier ayaa ka digaya inay dalkiisa iyo guud ahaan qaaradda Yurub “ay ku soo fool leeyihiin, sannado aad u adag”. Madaxweynaha ayaa khudbad uu jeediyey Jimcihii wuxuu ku sheegay in dagaalka Ukraine, inuu dalkiisa u horseeday “dhibaatooyinkii ugu darnaa” ee soo foodsaara tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay dib u midoobeen labadii qaybood ee Jarmalku.

Madaxweynaha ayaa meelaha u tilmaamay ee saamaynta adag ku yeeshay dhaqaalaha iyo nolosha Jarmalka inay ka mid tahay, tamartii oo qaali ah, heerka nolosha oo sarreeya, iyo heerka saboolnimada oo kordhay. Dhinaca kale madaxweynaha Jarmalka ayaa muujiyey sida ay dalkiisa uga go’an tahay inuu hareer istaago Ukraine, iyo weliba gaashaanbuurta NATO iyo Midawga Yurub.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa isaguna sheegay in Ruushku uu in ka badan 30 diyaaradood inuu ku weeraray dalkiisa muddo laba maalmood ah, hase ahaatee wuxuu sheegay in nidaamka difaaca cirka ee dalkiisu inay ka hortageen weerarada “cadawga”, iyaga oo soo riday illaa 23 diyaaradood oo ah nooca loo yaqaano Shaheds (Diyaaradaha ay samayso Iran).

Zelenskyy ayaa sidoo kale sheegay in Ruushku ay qaadeen in ka badan 8,000 oo weerarada cirka ah iyo illaa 4,500 oo gantaal oo ay rideen. Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in weli ay dagaalamayaan, ayna soo ridayaan gantaalda iyo diyaaradaha lala soo beegsado.

Ilaa hadda ma cadda in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Khudbadda muuqaalka ah ee madaxweynaha Ukraine ayaa ku soo beegmaysa 45 guuradii ka soo wareegtay markii dalkiisa laga xoreeyey ciidamadii Naaziyiinta ee Jarmalka sannadkii 1945, wuxuuna u mahadceliyey ciidamadii Ukraie ee u dagaalamay inay Naziyiinka ka xoreeyaan dalkooda, isagoo sheegay in sidaas si la mid ah ay Ruushkan dalkooda uga saari doonaan.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AFP, AP iyo Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post