579 Views

Putin oo sheegay in weerarka Ukraine uu ku socdo qorshe la jeexay.

Putin oo sheegay in weerarka Ukraine uu ku socdo qorshe la jeexay.
____________________________________________________________________________



khamiis: March 3, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in hawlgalkiisa khaaska ah ee Milatari, laakiin loo yaqaano duulaanka Ruushka uu ku socdo qorshe la jeexay.

Hadalkiisan ayaa yimid kadib markii falanqeeyayaal badan ay sheegeen in dagaalka Ukraine uu yahay mid qorshe la’aan ah.

Khudbad laga sii daayay television ka ayuu ku eedeeyay ciidamada Ukriane in ay afduubteen kumanaan dad ajanabi ah, ayna u isticmaalayaan dadka “gabaad ay xabada isaga dhigaan” arintaan wax cadeyn ah uma uusan hayn Putin.

Wuxuu intaas ku daray in dadka Ruushka iyo Ukraine ay ahaayeen hal dad, uuna burburin doono kuwa ka soo horjeeda ee reer galbeedku abuureen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post