366 Views

Ganacsata Soomaalida Islii oo ka hadlay askari Axmed Rashiid oo ah Soomaali ah loo haysto dad uu laayey

Ganacsata Soomaalida Islii oo ka hadlay askari Axmed Rashiid oo ah Soomaali ah loo haysto dad uu laayey
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 28, 2022

Gudida ganacsatada xaafadda Islii ayaa shir ay ku yeesheen isla xaafaddaas iyaga iyo xildhibaano Soomaali ah oo ku jira baarlamanka Kenya ka soo saareen baaq mahadcelin ah oo ay ugu mahadnaqayaan Madaxweyne William Ruto inuu qoomiyadooda u magacaabay xilka wasiirka gaashaan dhigga isla markaana ay xilal kale ka quud darraynayaan.

Waxa kale oo ay sheegeen in ay mudaharaadyo dhigi doonaan hadii askari booliska ka tirsan oo haatan dacwad lagu soo oogay la ciqaabo, maadama oo waa siday u dhigeene uu tuugada kaga beegnaa.

Hadaba arimahaas oo dhan waxa faahfaahinaya Xog-hayaha guud ee gudida ganacsatada Islii, Cumar Ibraahin Xuseen, oo u waramay Axmednagaashe waxaanu ku bilaabayaa xogta shirkaas ay shalay gelinkii dambe iskugu yimaadeen

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post