576 Views

Shir looga hadlay amniga oo ka qabsoomay Muqdisho

Shir looga hadlay amniga oo ka qabsoomay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 4, 2022

Siihayaha xilka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Durraan Axmed Faarax ayaa Guddoomiyay shir la xariira Amniga Garoonka Aden Cabdulle ee Muqdisho.

Shirka waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Agaasimaha Guud ee W.G.D.H Saraakiisha Amniga, Maamulka Garoonka iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Hay’adaha ka hawlgala Garoonka Muqdisho, waxaana looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa Amniga iyo bilicda Garoonka Aden Cabdulle.

Sii-hayaha Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa Hay’adaha amjiga ku amaanay kaalintooda shaqada Garoonka. Wuxuuna ugu baaqay inay soo laba jibaaraan dadaalkooda.

‘’Hay’adaha Amniga waxaan ku bogaadianayaa sida ay ugudanayaan waajibaadkooda Amniga Iyo badqabka Muwaadiniinta ka dhoofaya Garoonka kanasoo dagaya Garoonka. Waxaan farayaa in lasii adkeeyo Amniga Garoonka Aden Cabdulle,’’ Ayuu yiri Durraan Ahmed Faarax.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday bilicda Garoonka ayadoona cid walba oo gudaha garoonka xarun ku leh loogu baaqay inay qurxiso xarunteeda.

‘’Xarumaha kala duwan ee ka hawlgala Garoonka waxaan usoo jeedinay inay kor u qaadaan bilicda Goobahooda maadaama Garoonku yahay muraayada dalka laga eegayo’’ayuu yiri markale Wasiir Durraan Faarax.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post