324 Views

Musharax Raila Odinga iyo Haweeneyda Madaxweyne ku-xigeenka u Noqon Doonta hadii uu guuleesto oo laga cabsi Qabo Dagaal

Musharax Raila Odinga iyo Haweeneyda Madaxweyne ku-xigeenka u Noqon Doonta hadii uu guuleesto oo laga cabsi Qabo Dagaal
____________________________________________________________________________

 Sabti: AUGUST 6, 2022

Murashaxiinta ugu cadcad doorashada madaxtinimada Kenya, ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay sameeyaan ololahooda u danbeeya ee codbixinta, iyagoo qabanaya isku soo bax xamaasad leh, maadaama ay nagu soo fool leedahay maalinta doorashada ee 9-ka Agoosto.

Madaxweyne kuxigeenka dalka, William Ruto, iyo Raila Odinga, oo ah hoggaamiye mucaarad oo rug cadaa ah, oo haatan taageero ka helaya xisbiga talada haya, ayaa u tafaxaytay sidii ay ku hanan lahaayeen hoggaanka dalka quwadda Bariga Afrika ah, iyadoo dadkiisu ay la daalaa dhacayaan duruufo dhanka nolosha ah.

In ka badan 22 milayn oo codbixiyeyaal ah ay dooran doono madaxweynaha soo socda iyo sidoo kale sanetarrada, guddoomiyeyaasha ismaamulada, xildhibaanada, wakiilada haweenka, iyo 1,500 mas’uul oo ka socda maamul goboleedyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post