561 Views

Rabshado ka socda Tunisia kadib go’aankii xaley madaxweynaha joojiyay shaqada baarlamaanka

Rabshado ka socda  Tunisia kadib go’aankii xaley madaxweynaha joojiyay shaqada baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Isniin: July 26 2021


Rabshado ayaa ka socdaa afaafka hore ee baarlamaanka Tunisia kadib go’aankii xaley madaxweyne Qeys Saciid uu ku joojiyay shaqada baarlamaanka dalkaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka Rached Ghannouchi ayaa loo diiday in uu galo xarunta baarlamanaka.

Taageerayaashiisa xisbiga Ennahdha iyo taageerayaasha madaxweynaha ayaa dibadbaxyo ay isaga soo horjeedaan ka dhigaya halkaas.

Warar soo baxaya ayaa sheegayaa in ciidamo ay la wareegeen saldhigga dowladda ee Tunis iyagoo shaqaalaha ka horjoogsanaya inay gaaraan halkaas.

Dadka dhaleeceeya siyaasadda madaxweynaha waxay ku eedeeyeen in uu waday falal afgembi ah.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in sababta uu u qaaday tallaabadaas ay aheyd badbaadinta dalka.

Waxaa muddo bila ah dalka Tunisia ka taagneyd xiisad ka dhalatay sida dowladda ay ula tacaashay cudurka Karoona iyo dhaqaale xumida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post