255 Views

Ururinta maqasyada Madaxtooyada oo iftiimiyay munaasabadda ‘qarnigii Turkiga’

Ururinta maqasyada Madaxtooyada oo iftiimiyay munaasabadda ‘qarnigii Turkiga’
____________________________________________________________________________


Sabti: October 29, 2022

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa la wadaagay dadweynaha muuqaal ku saabsan “Ururinta maqasyada Madaxtooyada,” oo ay ku jiraan maqasyada xafladaha daah-furka mashaariicda cusub, oo ay ku xardhan tahay fariinta “Qarnigii Turkiga” maalintii Jimcha.

Erdogan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yiri “Waxaanu siyaasadda u samaynaa, si aanu shaqo ugu abuurno wadankeena, oo aanu ugu adeegno dadkeena,waxaan rajaynaynaa in aanu safarkeena u adeegista qarankeena gaarsiin doono halka ugu saraysa ee qarniga”.

Ururinta maqasyada adduunka ugu weyn, oo loo adeegsaday xafladaha furitaanka ee in ka badan 1,200 oo xarumood, ayaa lagu soo bandhigay muuqaalkii labaad ee taxanaha “Qarnigii Turkiye” ee uu bilaabay aggaasinka Isgaarsiinta.

“20-kii sano ee la soo dhaafay u waxaan isticmaalnay maqasyo badan, waddo kasta oo aan dhisnay, warshad walba oo aanu furnay, isbitaal walba oo aanu dhisnay, hadda waxaan sii wadeynaa inaan kobcinno uruurinta maqasyada adduunka ugu weyn,” ayuu ku yiri muuqaalka.

Aggaasimaha isgaarsiinta, Fahrettin Altun, ayaa isna la wadaagay shacabka qoraal ku saabsan muuqaalka.

“Siyaasadda shaqada iyo adeegga ee Madaxweyne Erdogan, way sii socon doontaa, gaar ahaan tan ku beegan munaasabadda ‘qarnigii Turkiga’ markaas oo waddankeenu uu heli doono guulo cusub, iyo dhaqdhaqaaqyo horumarineed oo waaweyn, qarankeenu wuu guulaysan doonaa, waddankeenu wuu guulaysan doonaa.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post