1131 Views

Qabiilka HANSI oo ku nool Buuralayda Pakistan waxaa la sheegay inay ku nool yihiin xaallad ka duwan Xaalladaha kale ee ka jira Caalamka

Qabiilka HANSI oo ku nool Buuralayda Pakistan waxaa la sheegay inay ku nool yihiin xaallad ka duwan Xaalladaha kale ee ka jira Caalamka
____________________________________________________________________________

Talaado: September 28, 2021

Qabiilka HANSI oo ku nool Buuralayda Pakistan waxaa la sheegay inay ku nool yihiin xaallad ka duwan Xaalladaha kale ee ka jira Caalamka.

Dadkaasi oo tiradooda lagu sheegay 920,000 oo qof waxay yihiin dad aan la socon Teknoolajiyada Caalamka, mana isticmaalaan Daawooyinka iyo Xadaarada Nolosha casriga.

Waxaa la tilmaamay inay yihiin dad aan xanuunsanin, isla markaana aan wejigooda laga dareemi karin da’da, maadaama qofka waayeelka xitaa u muuqaal ekaanayo qof dhallinyaro ah.

Qabiilka HANSI waxay ku nool yihiin Dhul ku teedsan Waadiga Al-Khaalidiin iyo Nasiib, iyagoo cunto dhaqameedkooda ka kooban yahay Khudaarta, Ukun, Caano iyo Subag.

Lagama yaqaano cuntada caadiga sida Bariiska, Baastada iyo wixii soo raaca.

Qabiilkaasi waxay had iyo jeer ku qubeystaan Biyo Qabow, waxay Maalintii si Joogto ah u lugeeyaan in ka badan 20 KM, iyagoo qoslaya.

Sanadkiiba 3 bilood oo xiriir ah ayey soomaan, waxayna cabaan Sharaabka Casiirka oo keliya.

Nolosha Qabiilka HANSI ee ku nool Pakistan waxaa loo haystaa dad ku nool Duni aan casri ahayn, warna uma hayaan Nolosha Casrigan.

Dadkaasi kuma dhaco Cuddurada Khatarta sida Macaanka, Dhiig-Karka iyo Kansarka, waxa uu cimrigooda gaaraa 145 sano.

Haweenkooda waxaa la sheegay inay ku dhalaan Da’da 70-aadka!!!

Dhacdada La-yaabka ee lagu ogaaday Noloshooda waxay aad u soo shaac baxday sanadkii 1984-kii, markii nin u dhashay Qabiilkaasi oo ku barbaaray Nolosha Casriga uu u dhoofay dalka Britain.

Markii uu ka degay Garoonka ayaa waxay Saraakiisha Socdaalka la fajaceen da’da Ninkaasi ugu qornaa Baasaboorkii uu watay oo ahayd inuu dhashay sanadkii 1932-kii.

Saraakiisha Socdaalka waxay qaadan waayeen da’da u qoran oo xilligaas 52 jir ahaa yo Muuqaalkiisa oo shabahay dhallinyaro.

Markii la weydiiyey Xogta Qarsoon ee da’diisa waxa uu sheegay inuu ka soo jeedo Qabiilka HANSI ee ku nool Nolol ka duwan Nolosha Casriga isla markaana ay yihiin qabiil aan Degdeg u duqoobin oo aysan wejiyadooda ka muuqanin cimriga ay jiraan.

W/Q Ustaad Nuradin 

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post