1413 Views

Wasiiradii hore ee horumarinta bulshada, Emerine oo lagu xukumay labo sano oo xabsi ah

Wasiiradii hore  ee horumarinta bulshada, Emerine oo  lagu xukumay labo sano oo xabsi ah
____________________________________________________________________________

May 29 2021

Wasiirkii hore ee horumarinta bulshada, Emerine Kabanshi, aya lagu xukumay labo sano oo xabsi ah.

Maxkamad ku taalla caasimadda dalkaas ee Lusaka, ayaa dembi ku heshay kaddib markii wasaaraddeeda ay lunsatay lacag dhan $4.3m (£3m) oo loogu talo galay qoysas sabool ah.

Sanadkii 2018, Madaxweyne Edgar Lungu ayaa shaqada ka tiray Ms Kabanshi isagoo sidoo kalena cayriyay 80 qof oo ka shaqeynayay wasaaradda waxbarashada guud kaddib markii lacag dhan $1.6m oo deeq ahayd loo adeegsaday si khaldan.

Fadeexaddaas ayaa sababtay in dowladaha UK, Finland, Ireland iyo Sweden ay joojiyeen deeqihii ay siin jireen dalkaas ku yaalla koofurta Afrika.

Ms Kabanshi ayaa sidoo kale loo heystaa inay u hoggaansami weysay sharciga.

Waxaa la filayaa inay racfaan ka qaadato xukunka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post