990 Views

Xaflada Caleema-saarka Axmed Madoobe oo mar kale dib loo dhigay

Xaflada Caleema-saarka Axmed Madoobe oo mar kale dib loo dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 07, -2019 —Maalmihii la soo dhaafay waxaa la hadal haayey in  Arbacada soo socota ee todobaadkaan Magalada Kismaayo lagu qabanayo Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,hayeeshee waxaa la sheegay in dib loo dhigay.

 

Waa markii Saddexaad oo dib loo dhigo Xaflada Caleema-saarka dhowr arrimood oo lagu sababeeyay aawgood oo ay qeyb ka yihiin dowladda Soomaaliya oo doorashadii ka dhacday jubbaland qaadacday sidoo kalena Garoonka ka celisay xubno kaqeyb-geli lahaa Xaflada iyo khilaafka xoogeystay ee Dowladda iyo Maamulka Jubbaland.

 

Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed Jindi oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Risaala u xaqiijiyey in dib loo dhigay Xaflada Caleema-saarka Axmed Madoobe oo Arbacada todobaadkaan lagu qaban lahaa Kismaayo.

 

Xildhibaanka oo la hadlay Risaala ayaa waaa uu sheegay in sababta dib u dhaca ay keentay,kadib markii sida uu sheegay siyaasiyiin doonayey inay ka qeyb-galaan Xaflada ay dowladda Soomaaliya u diiday inay ka dhoofan Magalada Muqdisho si ay u aadaan Magalada Kisamayo.

 

Masheegin Xildhibaanka oo kamid ahaa wafdigii dhawaan tegay Kismaayo oo ay kamid ahaayeen Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug Cabdi Kariin Guuleed iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo Xaflada Caleema-saarka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment