366 Views

Qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya waxaa ka jirta abaar galaafatay noolosha xoolo badan, taasi oo dadkana saameyn ku yeelatay

Qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya  waxaa ka jirta abaar galaafatay noolosha xoolo badan, taasi oo dadkana saameyn ku yeelatay
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 15, 2022

Qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka jirta abaar galaafatay noolosha xoolo badan, taasi oo dadkana saameyn ku yeelatay.

Abaarta ayaa saameysay guud ahaan dalka, balse waxaa jira gobollo ay kamid tahay Gedo, oo ay abaartan si ba’an u saameysay.

Dadkii reer miyiga ahaa ee ay xoolaha noloshooda ku tiirsaneyd, ayaa farahooda ay ka baxeen xoolihii ay lahaayeen, iyagoo ku soo qaxay degmooyiinka gobolkaasi Gedo.

Axmed Naasir Umal Inshaar, ayaa waxaa uu kamid yahay xoolo dhaqatada ay xoolahooda galaafatay abaarta.

Wuxuu u sheegay BBC-da isagoo ku sugan duleedka degmada Baledxaawo, in masaafo dheer ay kasoo lugeeyeen, iyagoo haatan daadsan meel cidla ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post