918 Views

Dowladda Soomaaliya oo shir ugu qeyb galeysa Imraadka Carabta

Dowladda Soomaaliya oo shir ugu qeyb galeysa Imraadka Carabta
____________________________________________________________________________


Axad: March 27, 2022

 Wafdi uu hoggaaminay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Sooomaaliya ayaa maanta u safray dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.


Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Wasiir Duran Farah Wafdiga safarkiisa ku wehlinayo waxaa qeyb ka ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah iyagoo dalkaas ugu  qaybgalaya Shir la xariira Duulimaadyada oo ay ka qaybgalayaan qaar ka mid ah Wasiirada Duulista Rayidka ah ee dalalka Aduunka iyo Gudoomiyaha Ururka Caalamigaa ee duulimaadyada Hawadda.

Shirkaan waxaa ay dhinacyada diirada ku saari doonaan Horumarinta Duulimaadyadda Rayidka ah.

Wasiirka Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya Duran Farah ayaa lagu wadaa in halkaas uu kulamo gaar gaar ah kula yeesho Wasiiradda dalalka kale ka socda ee kasoo qeyb galaya shirka kuwaas oo uu kala hadli doono sidii ay iskaga kaashan lahaayeen Horumarinta Duulimaadyadda Rayidka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post