1059 Views

Agaasimihii hore ee NISA Fahad yaasiin oo si Qarsoodi ah ku soo gaaray saakay Muqdisho..

Agaasimihii hore ee NISA Fahad yaasiin  oo si Qarsoodi ah ku soo gaaray saakay Muqdisho..
____________________________________________________________________________


Talaado: September 21, 202

Wararka ka imaanaya saakay Garoonka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu soo gaaray halkaas Agaasimihii hore ee NISA  oo waday diyaarad qaas ah.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaarad gaar ah oo ka timid dalka Turkiga uu la socday Fahad Yaasin, waxaana ka soo baxaya qaabka Garoonka loogu soo dhaweeyay Warar kala duwan.

Imaanshaha Fahad Yaasiin iyo xubnaha la socday ayaa ahaa mid qarsoodi  ah oo aysan ka war qabin xubnaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya sida ay wararku sheegayaan.

Sidoo kale Fahad Yaasiin ayaa dib looga celiyay garoonka diyaaraddaha Jabuuti 17-ka bishan xili uu kusoo jeeday Muqdisho, iyadoo diyaaraddii uu saarnaa ee Turkish Airline ay diiday inay u socdaasho Muqdisho, dibna ugu laabatay magaalada Turkiga oo ay kasoo kicintay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post