672 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in uusan beegsan doonin Siyaasiyiinta Gobolka Gedo

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in uusan beegsan doonin Siyaasiyiinta Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Sabti: May 21 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in la xalin doono khilaafka Gobolka Gedo, isla markana caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa balse aan qusayn bulshada deegaanka.

Axmed Madoobe oo Kismaayo kula hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in laga bilaabo hadda la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayiraa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland.

Waxaa uu intaasi ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo isla markana aanay jirin maamul Cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu sheegay in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii Dowlada Federaalka ah ay gobolkaas ka abuurtay aan cidna loo beegsan doonin dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post