1101 Views

SAWIRO:-Dad lagu qabqabtey howlgal laga sameeyey Gaalkacyo

SAWIRO:-Dad lagu qabqabtey howlgal laga sameeyey Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 22 -2020—Hawlgaladan ayaa ah Kuwo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Gaalkacyo qaybta uu ka arimiyo Maamul goboleedka Puntland sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka, waxaana iska kaashanaya ciidamada Booliiska iyo kuwa Dowladda Hoose Dagmada Gaalkacyo ee Puntland.

 

Taliyaha qaybta Booliska gobalka Mudug Jaamac Maxamed Axmed ayaa tilmaamay iney howlgalo ballaaran ka wadaan magaalada Gaalkacyo, si amniga magaalada loo xaqiijiyo iyadda oo ay jiraan dad la qabqabtay intii hawlgaladan socdeen.

 

 

 

Hawlgaladan ayaa ah kuwo looga hortagayo dhibatooyinka amni daro ee xiliyadda qaar ay lakulmaan shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland ay maamusho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment