1011 Views

Wafdi ka socda Dowladda oo gaarey degmada Baraawe

Wafdi ka socda Dowladda oo gaarey degmada Baraawe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | isniin, March 9, 2020 —Waxaa Maanta gaarey degmada Baraawe ee Gobolka Shabelelaha Hoose Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

 

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha degmada Baraawe kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiinta Maamulka degmada & Xubno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed,waxaana halkaasi ay ka fulin doonaan mashaariic kala duwan.

 

 

 

Waxaan maanta Safar aan nimid aniga iyo wasiiro ka tirsan XFS,degmada baraaweee caasimada maamul gobaleedka Koonfur galbeed oo aan ka sameyneyno mashaariic waxtar u leh horumarinta waxbarashada ayuu yiri”Wasiir Goodax Barre.

 

Wafdiga Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxa kamid ah Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Cali Saciid Fiqi, Wasiirka Gargaarka & Maareynta musiibooyinka ,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Xubno kale.

 

Saacadaha soo socda ayaa waxaa sidoo kale la ilayaa in ay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxame Cabdullaahi Farmaajo,iyaga oo halkaasi u tegaya xarig jarka dib u dhis lagu sameeyey qeyb kamid ah Garoonka diyaaradaha degmada Baraawe iyo Shaqooyin kale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment