1053 Views

Maamulka Hirshabelle oo sheegay inay dib u dhigtay doorashada kursi cabasho laga keenay

Maamulka Hirshabelle oo sheegay inay dib u dhigtay doorashada kursi cabasho laga keenay
____________________________________________________________________________

Guddiga Maamulka Doorshada Heer Dawlad Goboleed ee Hirshabeelle ayaa sheegay in uusan jirin qodob kamid ah habraacyada doorashooyinka Aqalka Sare oo la jabiyay, sidaa daraadeedna loogu baaqayo murashaxiinta cabashada soo gudbiyay ee aaday Muqdisho inay ku laabtaan Jowhar si ay tartanka uga qaybgalaan.

Sabti: September 18, 2021

Guddiga waxay kaloo sheegeen in doorashada kursiga ay doodu ka taagan tahay oo ahayd in maanta lagu tartamo dib loogu dhigay illaa berito afarta galabnimo si waqti loo siiyo murashaxiinta ka carootay tartanka inay dib ugu laabtaan Jowhar.

Sidoo kale  murashaxiinta isaga tagtay Jowhar ee hadda ku sugan Muqdisho ayaa sheegay inaanay ku laabanaynin Jowhar si ay tartanka uga qaybgalaan, maadaama bay yiraahdeen aan waxba laga qaban wixii aan ka cabanay oo uu amnigu ugu horeeyo.

weydiiyay bal haddii ay tartanka ku laabanayaan maadaama waqti dheerada la siiyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post