270 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Aljeeriya uga qeyb galaya Shir madaxeedka dalalka Carabta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Aljeeriya uga qeyb galaya Shir madaxeedka dalalka Carabta
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 1, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab ayaa halkaas kula kulmay Wasiirka  Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta, ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa ay ku sii jeedaan dalka Aljeeriya.

Shir Madaxeedka 31aad ee dalalka Carabta oo lagu wado in uu maanta furmo waxaa diiradda lagu saarayaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira Dalalka xubnaha ka ah ururkaan, Isbaddelka Cimilada, Sare u kaca Maciishadda iyo saameynta taban ee dagaallada iyo cudurada faafa ku reebeen waddamada Ururkaan ku mideysan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post