681 Views

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo soo saaray Amar ku socda Hay’adaha

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo soo saaray Amar ku socda Hay’adaha
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa Amar lagu joojinayo kasoo saaray boorarka astaamaha Aqoonsiga ee ku qoran luuqadaha Qalaad in lagu isticmaalo degmooyinka iyo degaannada gobolka.

Waxaa uu sheegay in Maamulkiisa uu bilaabi doono dib u eegis uu kusameynayo Boorarka ay adeegsadaan hay’adaha, shirkadaha Siminaarada ku qabanaya Gobolka iyo Goobaha kale ee Ganacsiga ee lagu dhejiyo astaamaha Aqoonsiga.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay inay ciqaab adag la kulmi doonto ciddii lagu helaa in Goobahooda ay ku xardhan yihiin boorar lagu qoray luuqadaha qalaad.

Amarkaan kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo qaaday xilli inta badan Soomaaliya Hay’adaha ka howlgalla iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay ay astaamaha ama Boorarka lagu yaqaan ay ku qortaan luuqadaha qalaad.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post