264 Views

Mid ka mid ah suuqyada ugu weyn dalka Pakistan caasimadda Islamabad oo gubanaya

Mid ka mid ah suuqyada ugu weyn dalka Pakistan caasimadda Islamabad  oo gubanaya
____________________________________________________________________________

Axad: October 9, 2022

Dab xooggan ayaa ka kacay suuqa weyn oo ku yaalla bartamaha caasimadda Pakistan ee Islamabad.

Sawirro lagu soo bandhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo ka soo baxaya dhismaha, iyadoo muuqaallada qaar ay muujinayaan olol gudaha iyo dibadda dhismaha ah.

Waxay sidoo kale la arkayay dad isku dayaya inay ka baxaan dhismaha dabku ka kacay.

Booliiska ayaa sheegay in dhammaan dadkii ku sugnaa xarunta ganacsiga si nabad gelyo ah looga saaray halkaa. Waxaa socday dadaalo lagu daminayo dabka oo la sheegay in uu ku sii fiday dhismayaal kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post