735 Views

Mareykanka oo kordhinaya taageerada Soomaaliya

Mareykanka oo kordhinaya taageerada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November11, 2020 –Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo taageerada Mareynkanku Soomaaliya ku siiyo la dagaalanka xagjirka iyo xoojinta ammmaanka sidii loo sii adkayn lahaa.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaallada dib u habeynta ciidamada oo kaalin wayn ka gaysanaysa dhismaha ciidamada iyo tayadooda, si mustaqbalka ay u gaaraan hadafka dalku leeyahay oo ah inay amniga dalka oo dhan ku filnaadaan si AMISOM looga maarmo.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post