972 Views

Madaxa dhexdhexaadinta nukliyeerka Iiraan oo ka hadlayay shirka ka furmay Vienna Austria

Madaxa dhexdhexaadinta nukliyeerka Iiraan oo ka hadlayay shirka  ka furmay Vienna Austria
____________________________________________________________________________

June 20 2021

Madaxa dhexdhexaadinta nukliyeerka Iiraan, oo ka hadlayay kaddib wada hadallada caalamiga ah ee maanta ka furmay magaalada Vienna ee dalka Austria ayaa sheegay in Tehran iyo lix kale oo dalalka caalamka ah ay isugu soo dhowaadeen soo celinta heshiiska nukliyeerka ee 2015.

Balse Abbas Araqchi ayaa telefishinka qaranka Iiraan u sheegay inay weli jiraan caqabado oo aysan fududeyn in la gaaro xal.

Wada xaajoodyada ayaa la filayaa inay sii socdaan kaddib marka madaxweynaha cusub ee la doortay (Ebrahim Raisi) uu talada dalka la wareego horraanta August. Heshiiska (2015) ayaa sababay in cunaqabateynta laga qaado Iiraan iyadana taas beddelkeeda ay khafiifiso howlaheeda nukliyeerka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post