1026 Views

Hay’adda Socdaalka Adduunka oo sheegtay in Yemen 7-bilood ku galeen 7-Kun Tahriibayaal Soomaali qayb ka tahay.

Hay’adda Socdaalka Adduunka oo sheegtay in Yemen 7-bilood ku galeen 7-Kun Tahriibayaal Soomaali qayb ka tahay.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-10-2020War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa lagu soo bandhigay baaristooda sanadkaan kala barka dhaafay 2020-ka, tahriibayaasha galay wadanka Yemen inta ay la egyihiin iyo dalalka ay kasoo jeedaan.

Hay’addu waxa ay sheegtay in 7,000 oo ruux oo Afrikaan ah, laga soo bilaabo Janaayo ilaa bishii tagtay July galeen Gudaha Dalka Yemen, kadib markii ay ka gudbeen Biyaha Badda Cas sida xogta lagu sheegay.

IMO ayaa sheegtay in diiwaanka dadka ugu badan ee tagay Yemen in ay kasoo kala jeedaan Itoobiya iyo Soomaaliya, marinka ay ka gudbeen waa Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan qaybta u dhaw Badda Cas.

Waxaa loo badinayaa in dadkaas ay ka tageen Xeebaha Dowlad Goboleedka Puntland oo waqti dheer ay uga gudbayeen Biyaha Badda Cas, kadib waxa ay tagayeen Xeebaha Jamhuuriyadda Yemen.

Hay’adda ayaa sheegtay in dadka ugu badan ee galay Yemen waqtigaan tira koobka lagu sameeyay ay kasoo jeedaan Soomaaliya, kuwaa oo doonaya in ay uga sii gudbaan Boqortooyada Sacuudiga oo Xuduud dhulka ah ay wadaagaan.

“Janaayo ilaa July 2020, Todobadaas bilood waxaa Yemen tagay 7-Kun oo Qaxooti Afrikaan ah, taasi waxa ay muujineysaa xaddiga dadka tagay dalkaas, dhalashadooda waa itoobiyaan iyo Soomaalli oo 90% ah dadkaas” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Warka Hay’adda ayaa intaa lagu daray “Badi Qaxootiga waxa ay Yemen u tageen raadinta nolol wanaagsan, naftooda waxa ay u biimeeyeen waa gaarista Boqortooyda Sacuudiga oo ay u arkaan in ay ku helayaan nolol dhaanta tan dalalkooda, Xeebaha Koofurta Yemen ayay ku xirtaan Doomaha gaar ahaan Shabwa” Sidaas waxaa laga soo xigtay maamulka Laxja iyo howlwadeennada Hay’adda IOM dhanka Caafimaadka ee halkaas ku sugan.

Yemen waxaa ka taagan xaalad dagaal, qoysaska u dhashay waxa ay mararka qaar usoo barakacaan dhanka Soomaaliya, halka Soomaali iyo Itoobiyaan doonaya in ay galaan Sacuudiga ay u gudbaan wadankaas.

Isha: Yemen Akhbar / Mustaqbal

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post