810 Views

Hay’adda Caafimaadka Adduunka Oo sheegtay In Xanuun Cusub Oo Kamid Carona Laga helay Deegaano Katirsan Hindiya

Hay’adda Caafimaadka Adduunka  Oo sheegtay In Xanuun Cusub Oo Kamid Carona Laga helay Deegaano Katirsan Hindiya
____________________________________________________________________________

.

May 26 2021

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa baahisay maanta oo Arbaca ah, warbixin ay ka soo saartay faafitaanka nooc cusub oo kamid ah fayraska Corona, kaa oo si rasmi ah looga helay 53 deegaan oo ka mid ah dalka Hindiya.

Waxaa jira wararkale oo sheegaya in fayraskan oo nociisu yahay (B.1.617) laga helay 7 deegaan oo horleh, taa oo tirada guud ka dhigaysa in gudaha dalkaas xanuunkan cusub laga helay 60 deegaan.

Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa Khamiistii la soo dhaafay xaqiijiyay in tallaallada hadda la heli karo ay yihiin kuwa wax ku ool ah, si looga hortago isbaddalada cudurka Covid-19.

Tirada guud dadka uu haleelay Corona virus ee Hindiya ayaa hadda gaaray 27 milyan, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay  waxaa la diiwaan galiyay 208,921 qof oo uu soo ritay xanuunkan.

Sida lagu sheegay tirakoob ay sameysay France Presse, Xanuunkan Corona ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 3,475,097 qof oo adduunka oo dhan ah tan iyo markii xafiiska WHO uu sheegay in cudurkan uu ka dillaacay Shiinaha, dhammaadkii Diseembar ee sanadkii 2019kii.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post