129 Views

Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay xasuuq wadareed ka dhan ah Qowmiyadaha daga dalkaas

Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay xasuuq wadareed ka dhan ah Qowmiyadaha daga dalkaas
____________________________________________________________________________

XIGASHO ADDIS STANDARD

Isticmaalka aan loo meel dayin ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAVs) ee Itoobiya, gaar ahaan ujeeddooyinka dagaalka, ayaa noqday masiibo bini’aadantinimo oo ba’an oo u baahan in caalamku wax ka qabto. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Tigray bishii Noofambar 2020, kumannaan qof oo rayid ah ayaa si xun loogu waxyeeleeyay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hawada ka goobaha ay ku noolaayeen. Weerarkii bahalnimada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarun dugsi oo ku taal Dedebit, Tigray, 07 Janaayo, 2022, ayaa la xaqiijiyay in halkaas oo lagu dilay in ka badan 55 qof oo rayid ah oo gabbaad halkaasi ka dhigtay. Weeraradani waxay tusaale cad u yihiin isticmaalka sii kordhaya ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah dadka rayidka ah.

In kasta oo uu si rasmi ah u dhaqangaley heshiiskii colaad joojinta gobolka Tigra,2022-kii, haddana waxaa jira warar sheegaya in ciidammada dawladdu ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn geeyeen gobollada Oromia iyo Amxaarada, tallaabadaas oo sababtay khasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah.

Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Itoobiya (ENDF), General Birhanu Jula, waxa uu qirayaa in weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn keliya loo adeegsado kooxaha dowladda ku kacsan, isagoo beeninaya in shacab lagu beegsadey. Hase yeeshee dhacdooyin dhowr ah oo la xaqiijiyay ayaa burinaya dafiraadda uu sameeyay.

Dhacdooyin ay ka mid yihiin weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen kaniisadda Full Gospel ee ku taalla Kombolcha ee gobolka Oromia, oo ay ku naf waayeen siddeed qof, iyo weerar lagu qaaday baabuur kuwa gargaarka degdegga (ambulance) oo sahay caafimaad u siday gobolka ama degaanka Amxaarada, oo ay dhasheen dhimashada shan qof, ayaa ka tarjumeysa sida aan ka fiirsiga lahayn ee loo beegsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah.

Qaramada Midoobay ayaa diiwaan gelisay duqeymo badan oo siyaaradaha drones-ka loo adeegsadey , kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah. Weeraradaasi waxaa ka mid ah mid lagu qaaday goob basaska laga raaco iyo dugsi hoose, taas oo muujineysa xaqiiqada naxdinta leh ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Waxaa cad in duqeymaha ay geystaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladdu ay jebinayaan shuruucda caalamiga ah ee ilaalinaysa dadka rayidka ah xilliyada dagaalka.

Waxaase ka sii daran sida muuqata in dowladda aaney wax dan ah ka gelin inay xaal mariso dhibaneyaasha iyo qoysaskooda, iyadoo si cad loogu diido inay helaan caddaalad ama magdhow laga siiyo ehelka kaga dhintey weerarada dowladda.

Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ee lagu beegsanayo shacabka ama ciidamada dagaalka ku jira ayaa loo arkaa mid khatarteeda wadata, taas oo ay ugu wacan tahay khaladaadka dhici kara, iyo isla xisaabtan la’aanta, iyo maqnaanshaha nidaamka saxda ah marka ay dhacaan falal laga baaqsan karey.

.

XIGASHO ADDIS STANDARD

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post