924 Views

Qaraxii goor dhawayd ka dhacay Saldhiga waabari oo lagu dilay Taliyihii Degmadaas Axmed Baashane iyo dad kale

Qaraxii goor dhawayd ka dhacay   Saldhiga waabari oo lagu dilay Taliyihii Degmadaas Axmed Baashane iyo dad kale
____________________________________________________________________________

 May 9 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray caawa Saldhiga booliska degmada waaberi oo ku yaala agagaarka Isgoyska Dabka ee wadada Maka al Mukarama

Qarax ayaa geystay Qasaaro dhimasho iyo dhaawac waxaana goobta qaraxa ka dhacay oo ah goob aad u mashquul badan maqaayado badan. Oo aad loo fadhiisto.

Taliyaha Saldhiga Axmed Baashane ayey wararku sheegayaan inuu ku geeriyooday qaraxan waxaana dhaawacyo ay soo gaareen Saraakiil iyo Askar ku sugnayd saldhiga.

Sidoo kale goobtaas ayaa ah marka laga reebo Suuqa bakaaraha goobta ugu mashquul badan, waxaa ku yaala maqayado Hotelo laga Cuntyeeyo oo gaaraya ilaa 15.

Wararkale ayaa sheegaya in dad gaaraya ilaa 10 qof ay yaalaan maydadkooda wadada, wallow aan la ogeen dadka ku dhintay gudaha saldhiga maadaama Maxaabiis ay ku xiran tahay iyo dhismooyinka maqaayada ku dhaw halkaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post