915 Views

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Hoggaanka Ahlusunna oo kulan xasaasi ah yeeshay

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Hoggaanka Ahlusunna oo kulan xasaasi ah yeeshay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-22–2019 —Xalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulan xasaasi ah ku yeeshay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maalmahaan halkaasi ku sugan iyo hoggaanka Sare ee Ahlusunna Wal-Jamaaca.

 

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii loo qancin lahaa tabashada ay qabaan hoggaanka Ahlusunna oo diiday Guddigii farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya.

 

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa waxaa ay sheegeen in inta badan la isugu soo dhawaaday waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac,isla markaana la go’aamiyey in meesha laga saaro mad madowga soo kala dhex-galay Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna Wal-Jamaaca.

 

Warar kale oo ay heleyso Idaacadda Risaala ayaa waxaa ay sheegayaan inay macquul tahay in saacadaha soo socda uu Magaalada dhuusamareeb tago Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si uu u qanciyo Ahlusunna.

 

Hoggaanka Ahlusunna ayaa kasoo horjeestay Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, iyaga oo sheegay in guddigaas Magacaabistiisa uu yahay mid hareer marsan heshiiskii dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay gaareen 8 Bishii July ee sanadkaan 2019.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment