798 Views

Amisom oo koofur galbeed ku wareejisay agab loogu talagalay gobaha waxbarshada.

Amisom oo koofur galbeed ku wareejisay agab loogu talagalay gobaha waxbarshada.
____________________________________________________________________________

Talaado: January 11, 2022

Mas’uuliyinta Wasaarada waxbarashada Dowlad Goboleedka KGS ayaa maanta Qalab Xafiisyadeed Isugu jira Kuraasta Iskuulada, Computer Printing, Miisas, Buugag iyo  Agabyo kalo oo Fara badan  ay kala Wareegeen Ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom ee Sector -3.

Munaasabad kooban oo lagu Qabtey Gudaha Garoonka Diyaaradaha  Magaalada Baydhabo  waxaa ka soo qeyb-galay  Taliyaha Ciidmada Amisom Sector -3 general Zeydu Saraakiil Ka tirsan Amison, Qaar kamid ah Ardeyd ka kala Timid Iskuulada Magaalada Baydhabo.


Gudoonka Waxbarshada Degmada Yusuf Maxmed Idris, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbrashada Fadal Abdullahi , Wasiir ku xigeenka Wasaarada Eng Abdifatax Samaale iyo Wasirrka Wasaarada Waxbarshada KG Xil.Maxamed Yusuf Hassan waliid.

Qalabkan oo wax badan ka taridoona Baahiyaha Iskuulada Degmada Baydhabo  ayaa Gacan weyn ka Geystay Ciidamada Amisom Sector-3 oo Fadhigooda uu Yahay Magaalada Baydhabo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post